Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo dul tagay meydadka Daacish iyo diyaarado drones ah oo…

Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa maanta dul tagay goobo ay yaalaan meydadka xubno katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo lagu dilay duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay diyaarado dagaal ka fuliyeen togga Miraale ee katirsan buuraha Calmiskaad.

War kasoo baxay ciidabka difaaca Puntland, ayaa lagu sheegay in ciidamada goordhaw tageen goobihii duqeymaha culus lagu garaacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ugu tageen meydadka xubno katirsan kooxda Daacish oo u badnaa ajaaniib.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sidoo kale sheegay goobta ay tageen ciidamada ay ka heleen diyaarado nuuca drones-ka oo Daacish u adeegsan jireen qaraxyada iyo sidoo kale qaraxyo iyo agabyo kale oo kooxda Daacish halkaasi u yaalay.

”Ciidanka oo Howlgal kasameeyay Bocol oo ka tirsan togga Miirale, waxay heleen maydadka argagixisada Daacish ee lagu dilay duqeymihii u danbeeyay, Drones, Qaraxyo iyo agabkale oo Argagixisadu isticmaalaysay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada difaaca Puntland oo garab ka helaya diyaarada dagaalka Mareykanka iyo Imaaraadka , ayaa khasaaro badan gaarsiiyay kooxda Daacish ee ku dhuumaaleesaneysa qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad eegobolka Bari.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Magacaabidiisa Khilaaf xoog leh uu ka dhashay oo xilka la wareegay

Caydiid Ali

Gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo Caronavirus kula dhacay Xabsi ay ku xiran tahay

Cabdi Cade

Ehelada Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ka hor yimid xukunkii Maxkamada G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---