Ra’isul Wasaaraha Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo maanta ka hadlay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasiirka cusub, ayaa shaaca ka qaaday in uu tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta SSC Khaatumo.
Xamse Barre , ayaana caddeeyay in dhawaan safar qorsheysan uu ku tagayo magaalada Laascaanood, waxa uuna ujeedka safarka uu halkaasi ku tagayo ku sheegay mid la isugu soo dhaweenayo maamulka Khaatumo iyo dowladda Federaalka.
“Booqashada aan ku tagi-doono Laas-caanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka SSC Khaatumo,maahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo deegaanka Soomaaliyeed, bal waa mid la isugu soo dhaweeynayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin inay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumadda ee deegaannada SSC Khaatumo.
Hadalkan kasoo baxay Ra’sul Wasaare Xamse Barre, ayaa kusoo aadaya xilli shaki horey loo galinayay safarka uu ku tagayo Laascaanood oo ay aad uga soo horjeedaan maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaa sidoo kale Xamse safarka Laascaanood uga digay siyaasiyiin dhoor ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com