Tiro hoobiyaal ah ayaa saakay lagu garaacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane, oo fariisin u ah safaarado iyo sidoo kale hay’addo kala duwan oo reer Galbeed ah.
Hoobiyaashan oon la ogeyn halka laga tuuray ayaa ku dhacay xaafado ku dhaw dhaw xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in gudaha Xalane ku dhaceen hoobiyaasha qaar.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in hoobiyaal ku dhacay xaafado katirsan degmada Wadajir in ay ku dhaawacneen labo qof oo shacab ah, hoobiyaasha qaar ayaa sidoo kale ku dhacay dhul bannaan.
Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaan war rasmi ah kasoo saarin hoobiyaashan saakay lagu garaacay xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde oo ah goobo amaankooda si weyn loo adkeeyo.
Weerarkan hoobiyaasha loo adeegsaday ayaa dhacaya , xilli shalay sidaan oo kale hoobiyaal iyana khasaaro geestay lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, hoobiyaasha qaar ayaana ku dhacay xaafado shacab degan yihiin.