Madaxda ugu sarraysa dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ayaa isla qaatay in la kordhiyo tirada ciidamada dalalka taageera nabadda Soomaaliya ee ka hawgeli doona Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Qorshahaan ayaa ah mid kumanaan askari loogu kordhinayo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ay hadda ku soo biirayaan wadamo cusub oo ay kamid tahay dowladda Masar.
Waxay Somalia iyo Midowga Afrika isla ogolaadeen hawlgalka lagu soo kordhiyo 2,500 oo askari oo Itoobiyaan, 1100 Masaari ah, 4,500 Yugaandhiis ah, 1,520 Jabuutiyaan ah iyo 1,410 Kenyaan ah, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Dalalka Masar iyo Itoobiya oo ay ka dhexayso cadaawad dhanka biyaha webiga Niil ah ayaa markii ugu horraysay ka wada hawlgeli doona Soomaaliya, xilli dowladda Somalia marar badan ku celcelisey inay isku filantahay dalkana ka saarayso ciidamada shisheeye.