Magaalooyin waa weyn oo kuyaalla dalka Mareykanka, waxaa ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo looga soo horjeeday hab maamulka iyo siyaasadda Madaxweyne Donald Trump.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah Madaxweyne Trump, waxa ayna dadka qaar sheegayeen in Madaxweynaha Mareykanka ku hoggaaminayo waddo qaldan.
Warbaahinta dalka Mareykanka , ayaa baahiyay in dadka dhigayay dibadbaxyada ka dhacay magaalooyin katirsan Mareykanka si weyn uga soo horjeedeen ajandayaasha siyaadadeed iyo midda dhaqaale ee Madaxweyne Trump.
Dibadbaxyada ka bilowday Mareykanka , ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor cabshuur kordhin xad-dhaaf ah ku dhawaaqay Madaxweyne Trump, taas oo durba saameyn weyn caalamka ku yeelatay.