Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Gaas oo kulan la qaatay guddigii xalinta khilaafaadka ee uu shalay magacaabay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta marii ugu horeysay kulan la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda ee uu shalay magacaabay.

Gaas ayaa magacaabay gudigan oo ka kooban 7 xubnood iyo xoghayn, kadib markii madaxweynuhu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 192 December 03 2018, kuna saabsan magacaabis Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar daarmay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda in ay si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegaan shacabka Puntland, kana shaqeeyaan sidii Puntalnd u heli lahayd gole wakiilo oo hogaamiya masiirka shacabka Puntland.

“Waxaa Sharaf weyn ii ah maanta in aan dad weynaha reer Puntland u soo bandhigo guddigii aan magacaabay shalay, Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019-2023, waxaan halkaan ku soo xulnay dad Soomaaliyeed, Puntlandrs ah, wadaniyiin ah, odeyaal ah, khibrad leh oo aan isleeyahay dadweynaha reer Puntland meelkasta ay joogaan way ku kalsoonaan karaan wayna soo dheweynayaan, waxaan ugu yeerey inaan la dar daarmo in ay wanaag, hufnaan iyo cadaalad ku shaqeeyaan, aan kala dar daarmo culeyska shaqada ay hayaan in ay tahay masuuliyad dadka reer Puntland oo dhan ay dhowrayaan, inaan ugu ducayno in shaqadooda Alle u fududeeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay guddigan uu magacaabay in ay yihiin dad odayaal ah oo kasoo dhalaali kara shaqada ay hayaan isla’markaana soo xuli doona Gole wakiilo oo wanaagsan oo lagu aamini karo masiirka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadiniin u dhashay China oo lagu qafaashay weerar ka dhacay dalka Nigeria

Caydiid Ali

Xog:-Ciidamadii diidanaa muddo kororsiga FARMAAJO oo ka hor-yimid in ay ka baxaan Magaalada Muqdisho !!

admin

Haween iyo caruur ka tirsanaa hal qoys oo lagu laayey degaan hoos taga Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---