Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray difaacyada ciidamada qalbka sida iyo xaq-u-dirirka deegaanka ee ku sugan degmada Cali Gaduud ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn uga warbixiyay Madaxweynaha howlgalka dabar-goynta al shabaab iyo halka uu marayo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhiirogelin ugu tagay ciidamada deegaanka kuwaasoo “Halgan naf-hurnimo oo aan ku badbaadineyno dhiigga iyo karamada shacabka Soomaaliyeed ayaan ku jirnaa waana ka guulleysaneynaa burcad-diimeedka soo xad-gudbay.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacab iyo madax in furimaha dagaalka la yimaado si wadajir ahna looga adkaado al Shabaab oo ay sheegay ineyku jiraan rafashadii u dambeysay.
Degaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa dhowaan weerar culus ku soo qaaday xoogaga Al shabaab oo dagaal adag la galay ciidamada degaanka iyo kuwa xoogga dalka, waxayna ku sugnaayeen dhowr maalmookd ka hor inta aysan ka bixin.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA