Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Indha-qarshe oo fariin dhab ka hadal ah u diray kooxda Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ugu baaqay Al-shabaab inay joojiyaan dilka iyo weerarada ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Indha-qarshe ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybo kala duwan ee dalka ka mid ah ay ka wadaan howlgalo lagula dirirayo Al-shabaab, isaga oo sheegay in howlgaladan yihiin kuwo la doonayo in lagu soo afjaro kooxdan.

“Waxaan ugu baaqayaa Al-Shabaab inay dagaalka joojiyaan, nabadna qaataan maxaa yeelay dagaalka ay ku jiraan mar walba waxaa ku dhimanaya dadka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sheegay in Indha-qarshe ka dowlad ahaan aysan ogeyn sabab waqtigan dagaal macno daro ah loogu laayo dadka Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF iyo kuwa Deegaanka oo isaga baxay Deegaanka Qaayib iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor-qoor oo safar dhulka ah ku gaaray deegaanka..(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shaqo Joojin lagu sameeyay Xoghayaha Guud ee golaha Shacabka (Akhriso Digreeto).

Cabdi Cade
Taboola Ads ---