Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo si lama filaan ah uga laabtay go’aan adag oo uu dhowaan shaaciyey

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka laabtay go’aan adag oo uu dhowaan kaga soo horjeestay inuu wadahadal la galo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Biixi ayaa bishii hore ka sheegay Magaalada Burco inaysan marna wax wadahadal ah la galeynin dowlada Soomaaliya inta ka aqoonsaneyso Somaliland.

Kaddib markii Wafdi ka socda Midowga Yurub uu kula kulmay Magalada Hargeysa ayuu sheegay Muuse Biixi inuu ka laabtay go’aankaas, iyadoo War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa Hargeysa lagu sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda federaalka.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa ku eedeeyey  dowladda Federaalka inay ka caga jiideyso wadahadalka Maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Kenya ka tiri go’aankii Maxkamada ICJ ee kiiska badda Somalia?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Johnson oo ka naxay Muhaajiriin badan oo dhimatay Xili UK soo galayeen

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Qorshaha dowladu waa in shan bilood lagu soo afjaro argagaxisada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---