Allbanaadir.com
NEWS

Sagaashan jir horey u soo noqday Raisul wasaare oo mar kale doonaya inuu xilkaas qabto

Raisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Mahathir Mohamad ayaa mar kale loo soo xulay inuu noqdo musharaxa xilka Rai’sul Wasaaraha dalkaas isagoo xiligan 92 jir ah

Mr. Mahathir ayaa xilka Raisul wasaaranimada hayey muddo 20 sano sano ah ka dagay sanaddii 2013

Balse sanooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay siyaasada ,waxa uuna si wayn uga soo horjeedaa Rai’sul wasaaraha imika xilka haya, Najib Razak.

Mr Razak ayaa waxa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa fadeexad lagu lunsaday balaayiin doolar.

Mr Mahathir ayaa imika musharax u noqon doono xisbiga isbahaysiga mucaaradka oo doonaya iney doorashooyinka soo socda uga adkaadaan raisul wasaaraha xilka haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar deg deg ah ku bixiyay in Dhagaxa laga qaado Wadada Dabka

Cabdi Cade

Puntland oo ku eedeesay Madaxweyne Xasan in uu jabiyay heshiiskii Soomaali kuwada joogtay

Cabdi Cade

Jadwalka Shan Kursi oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---