Waxaa sii xoogeestay khilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenkiisa C/xakiim Cabdullaahi Cumar Camay, waxaana khilaafka labada masuul uu noqday mid lagu guul dareestay in la xaliyo.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ku magaacabay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Goboleedka Puntland.
Magacaabista guddigan waxaa kahor yimid Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo sheegay in aan lagala tashan, waxa uu isna caawa magacaabay guddi cusub oo qaabilsan ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Goboleedka Puntland.
Halkan ka Akhriso Guddiga cusub uu caawa magacaaby Camey
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com