Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xildhibaan hore oo ku dhaawacmay Weerar bambaano oo ka dhacay Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta halkaasi uu ka dhacay weerar bambaano uu khasaaro kasoo gaaray sadex ruux.

Guri kuyaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo ayaa lagu weeraray bambaano, waxaana guriga qaraxa lagu weeraray ku sugnaa Xildhibaano hore, waxgarad iyo dad kale oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxa bambaano ee galabta ka dhacay magaalada Baydhabo waxaa ku dhaawacmay sadex ruux uu ku jiro Xildhibaan hore Macalin Nuur Xasan Ibraahim oo katirsanaa Baarlamaankii KMG ee dowladii Sheekh Shariif.

Kooxihii bambaanada ku weeraray gurigan kuyaala magaalada Baydhabo ayaa baxsaday, waxaana magaalada howlgalo ka sameeyay ciidamada booliiska oo baadi goob ugu jira kooxdii bambada tuurtay.

Weerarkan Bambaano ayaa imaanaya xili Magaalada Baydhabo dhawaan la geeyay ciidamo badan oo booliis ah oo loogu tala galay in xaqiijiyaan amaanka magaalada oo dhawaan la filayo in Doorasho ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Video) Anas yare oo ku dhibaataysan degmada dharkeenleey oo u baahan kaalmo caafimaad oo deg deg !!

admin

Xasan Shiikh “Qaraxa, dilka & maatada la gumaaday lacagta aad bixisay ayaa sababtay“

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Baaq la xariira Banaan baxa u diray Madaxda Dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---