Saraakiisha ururka Taliban, marka ay sharraxayaan ujeeddada ay ula dagaallamayeen Mareykanka iyo isbahaysiga NATO, waxay ku sheegeen inay doonayeen Afgaanistaan inay noqoto meel xor ka ah maamulkii ku hoos jiray NATO iyo dhaqangelinta shareecada Islaamka. Muddo 20 sanno ah oo ay dagaallamayeen bishii Agoosto ee sannadkii 2021 ayay dib u qabsadeen Kabul,kaddib markii ay ka baxeen ciidanka Mareykanka.
Taliban, waxay hirgeliyeen ujeeddadii ay u dagaallamayeen, iyagoo shareecada ku soo rogay Afgaanistaan, muddada shanta sanno ku dhow ee ay xukunka hayaanna waxay soo bandhigeen dadaalladooda isku tashiga ku dhisan ee ay doonayaan inay horumariyaan kabayaasha dhaqaalaha.
Hadda inay xiriir la sameyaan Mareykanka oo dib ugu soo celiyaan Kabul, taasi ma khilaafayso mowqifkooda dagaalka , si tan aad u fahanto; Afgaanistaan oo ay hoggaamiyaan Taliban waxay Mareykanka u dhaqmayaan labo dal oo wadaagaya dano dheef wadaag ah ee aan ahayn inuu Mareykanka ku rogo waxa uu doonayo si la mid ah sida uu ula dhaqmay nidaamkii ay Taliban xukunka tuureen.
Taliban, waxa ay ka doonayaan dib usoo celinta xiriirka Mareykanka ayaa ah inay helaan aqoonsiga caalamiga ah oo ay ku dhibtoonayaan muddada ay hoggaaminayaan Afgaanistaan, ka qaadista cunaqabateynta iyo in loo oggolaado maalgashiga caalamiga ah ayaa sidoo kale ku riixiya dib usoo celinta xiriirka.
Afgaanistaan waxay doonaysa inay ka faa’iideysato maalgashiga dalalka khaliijka oo aan ku dhici karin oggolaansho la’aanta Mareykanka, sidoo kale waxay doonayaan inay helaan dhaq dhaqaaq xor.
Ruushka iyo Shiinaha oo ah cadowga Mareykanka , haddana ma aysan joojin la macaamilka Mareykanka oo waxaa shaqeynaya kanaalka diblomaasiyadeed , si ka badan Ruushka , wuxuu Shiinaha ka hortagaa isku dhaca Mareykanka , sabab la xiriirta danaha dhaqaale ee kaga xiran ayaa ka badan dal kasta oo kale ganacsiga ay wadaagaan , waxayna dalalka ku dhibtoodaan cunaqabateynta uu saaro Mareykanka , tana waxaa awood u siinaya dhaqaalaha uu gacanta ku hayo iyo xulafadiisa, isla xaaladan waa sababta ay Taliban u doonayso iyagoo siman haddana inay la yeeshaan iskaashi , maaddama ay u leedahay faa’iido waxtar ah.
Waddan taariikhdiisa oo dhan ku jiray dagaal oo aan lahayn kaabayaal wax soosaar iyo iskaashiga xulafo caalami ah oo ay u dheertahay inan la aqoonsanayn oo wajahaya cunaqabateyn , xataa ka hor istaagtay nidaamyadooda bankiyada inay noqdaan kuwa la aqoonsanyahay, wuxuu u baahanaya siyaasad waxtar ah oo ka gudbinaysa caqabadaha oo dhan.
Dabayaaqadii bishii hore saraakiil Mareykan ah ayaa tagay Kabul, waxaana la sii daayay dhowr qof oo Mareykan ah oo ay xireen Taliban, taasi si dhaqso ah waxay suragalisay in qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Taliban , gaar ahaan shabakadda Haqqani oo uu ku jiro wasiirka arrimaha gudaha , Sirajuddin Haqqani in cunaqabateynta laga qaado. Ku sii socoshada marxaladan waxay Taliban sidoo kale ku helayaan lacagta Afgaanistaan ee ku xanniban bankiyada Mareykan ah.
Si loo dhiso nidaam iyo dawlad sal adag , waxay u baahanaysa si caqli-gal ah in loola macaamilo dhinacyada oo dhan. Adigoo aan heysan aqoonsi rasmi ah oo ay kugu soo gaari karaan dalalka ay danaha kaga xiranyihiin , ma jirto sabab aad uga fogaato la macaamilka Mareykanka! Ka warran inay awooddi waayeen waddamada Islaamka inay aqoonsadaan maamulka Taliban oo way ku dhici waayeen taa! Sideedana haddii ay kula noqotay dagaalkii Taliban inuu ahaa mid ku wajahan Mareykanka , waad ku khaldantay oo Taliban waxay doonayeen inay waddankooda u rogaan mid si xor ah ula macaamili kara Mareykanka oo ay ka jirto shareecada ay u dagaallamayeen.
IMAN JAMA