Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wararkii ugu dambeeyay Xiisad ka taagan Baydhabo iyo cabsi lasoo daristay shacabka

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeesan oo kala taabacsan qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah magaalada Baydhabo iyaga oo aad u hubeesan , waxaana jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada hubeesan ee kala taabacsan musharaxiinta.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamo badan oo taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa soo buux dhaafiyay magaalada Baydhabo, waxaana jirta cabsi laga qabo in ciidankan isku dhacaan ciidamo kale oo magaalada jooga.

Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale lagu arkayaa ciidamo cusub oo dowlada geysay magaaladaasi, waxaana jira cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidankan cusub iyo kuwa horey u joogay magaalada oo taabacsan Musharaxiin kala duwan.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo markii sadexaad dib u dhacday ayaa xiisad ka abuurtay magaalada Baydhabo, waxaan dowlada federaalka lagu eedeeyay in ay faro galin ku heyso doorashada.

Xiisad siyaasadeed ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo iyo shirar kala duwan oo halkaasi ka socda, waxaana doorashada si weyn isugu haya Musharax Mukhtaar Robow Abuu Mansuur iyo Musharaxa taageerada dowlada heesta ee Cabdicasiis Lafta Gareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga Israel oo maanta shacab hor leh ku xasuuqay degmada Rafax

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo loo keenay Dhambaal laga waday Madaxweynaha kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sare u qaadista Dakhliga usoo xarooda Gobolka Banaadir oo laga shiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---