Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askari katirsanaa Ciidanka NISA oo sabab layaab leh shaqada looga eryay (Akhriso)

Askari katisanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaqada laga eryay kadib markii uu dhawaan Wareysi uu siiyay mid kamid ah telefishinada afka Soomaaliga ku hadla.

Nuur Samawad oo katirsanaa ciidanka Nabad sugida gaar ahaan Gaashaan ayaa ku dhaawacmay weerar Al Shabaab sanadkii hore ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2-, waxaana Nuur uu kamid ahaa ciidankii u gurmaday hotelka kasoo gaaray dhaawac halis ah.

Askarigan katirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa mudo la jiifay dhaawac halis ah oo soo gaaray weerarka Hotelka Naasa Hablood, waxa uuna sheegay in xaaladiisa dalka wax looga qaban waayay uuna gurmad ka waayay Hay’ada NISA iyo dowlada.

 

Wareysiga uu bixiyay askarigan dhaawacan ayaa sabab u noqday in gabi ahaan laga saaro shaqada ciidanka NISA, waxa uuna Wareysi kale uu bixiyay ku sheegay Nuur in lagala wareegay ID-carkiisa loona sheegay in shaqada NISA laga tir tiray.

Askarigan ayaa sheegay in hada xaalad kale oo cabsi ah ay kusoo korortay uuna ka baqayo in ay beegsadaan kooxda Al Shabaab uu horey ula dagaalay iyo ciidanka NISA uu horey uga tirsanaa balse hada laga saaray.

Nuur Samawad ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Soomaaliya in xaaladiisa il gaar ah ku eegaan, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in qarankii uu u dhaawacmay una jiifo dartiis in hadana dhibaato kala kala kulmayo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in aysan masuuliyad gaar ah iska saarin askarta ciidankeeda katirsan ee dagaalada ku dhinta ama ku dhaawacma, waxaana jira askar badan oo dhaawacmay oon xaaladooda dowlada waxba ka qaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxa Shirkadda HUBAAL oo beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo yeeshay kulan lagu meel mariyey qodobo Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---