Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo ujeedkooda oo…

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa saacadahihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxa ayna ciidankan xarumo ka sameesteen xeryo kuyaala Dhuuso Mareeb.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidankan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay ka tageen xero ay ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankan tababaray Mareykanka.

Saraakiisha ciidankan gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in laga bilaabo gobolka Galgaduud.

Madax katirsan maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay lana kulmay saraakiisha ciidanka Kumaandooska hogaaminaya, waxa ayna labada dhinac iska wareesteen sida macquulka ah ee howlgalada lagu bilaabi karo.

Al Shabaab ayaa maamusha degmooyin badan oo kuyaala gobolka Galgaduud, waxaana marar badan isku dayo lagu doonayay in Al Shababa looga saaro gobolka Galgaduud kusoo dhamaadeen fashil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Maraykanka oo gaadiid Milateri ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Orodyahan caan ah oo tartanka orodada looga mamnuucayo hal arrin darteed !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---