Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Indha-qarshe oo la dardaarmay ciidamo loo wado dagaalka Al-shabaab ( Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu biiray Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan 14-ka October.

Ciidankan ayaa la baray difaaca dalka, iyagoo muddo tababar milatari ku qaatay xerada tababarka Jen. Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa dhalinyarada ka mid noqotay Ciidanka Xoogga Dalka ee u dhammaaday tababarka ugu mahad celiyay sida geesinimada leh ee ugu mid noqdeen Ciidamada Xoogga Dalka

General Daahir Aadan Cilmi waxa uu faray Ciidamada in ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan Howlgalada ka socda gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ammaanay sida geesinimada ah ay ciidamada guutada 14-ka October ay Al-shabaab ugu sifeeyeen degaanada Xeebta ah Sida Jilib-marko Gendarshe iyo Dhannaane

Ciidanka uu maanta kulanka la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah Ciidamo dhammeystay Tababar, iyagoo maanta loo qeybiyay agabkii ay ku howlgalin lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Fiqi oo si kulul uga jawaabay qoraalkii ka soo baxay Ahlu sunna

Caydiid Ali

Mucaaradka DF oo iska diiday arrin loo bandhigay & Shirqool loo dhigay Gen Saneey

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya iska hormaad ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---