Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Maamulka K/Galbeed oo War ka soo saaray hubka & Ciidamada ay wataan Musharaxiinta

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa xaqiijiyay inay jiraan Musharaxiin ciidamo badan la soo galay Magaalada Baydhabo.

Musharaxiintan ayuu sheegay iney doonayaan inay ciidanka ku sugaan amaankooda inta ay ku jiraan Ololaha doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

“Anagu ka maamul ahaan waxaan qaabilsan sannahay sugida amniga guud ee magaalada, balse musharaxiinta qaar oo xilal sare ka hayey dowlada dhexe xaq bey u leeyihiin iney sameystaan ciidamo gaar ah oo amaankooda ilaaliyaa inta ololuhu socdo” ayuu yiri Wasiirka

Sidoo kale Wasiirka Waxaa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed ay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada ay wataan Musharaxiinta si aan loogu fulin arrimo ka baxsan ilaalinta Musharaxiinta.

Inkastoo doorashadii lagu waday iney 5ta bisha ka dhacdo Baydhabo dib loo dhigay labo todobaad kale ayaa haddana waxaa magaalada buux dhaafiyey musharaxiin fara badan oo qaarkood ay wataan ciidamo iyo hub culus si ay amaankooda gaarka u sugaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa badiyey Xulalka Qaranka Somalia & Itoobiya oo galabta wada ciyaaray?

Caydiid Ali

NISSAN oo $1 ku iibisay faraceedii Ruushka, sidoo kalena khasaartay $687 Milyan

Caydiid Ali

Maleeshiyaad dhibaato ku haya Shacabka Muqdisho iyo Yariisow oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---