Allbanaadir.com
NEWS

Hay’adda Duulista Rayidka oo War ka soo saartay shilkii maanta

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo ay lahayd QM ayaa saaka barqanimadii ka kacday garoonka Muqdisho, iyadoo kusii jeedda magaalada baydhabo balse uu u bixi waayay shaagga hore sidaa daraaddeedna ay kusoo laabatay madaarka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay, sida uu sheegay maareeyuhu.

Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 22 qof oo dhammaantood ka tirsan shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobay ayaa si nabad ah ku soo gaca dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dedaallo badan oo ay sameeyeen hay’adda duulista hawada iyo waaxaha kale ee ka howlgala madaarka muqdisho.

“Diyaarad markii ay cilladi ku timaaddo waxaa jira hab-raac loo maro, badda ayaan kor geynay si dabka loo yareeyo, shidaalkaan ka dhamaynay, intaan shidaalka ka dhamaynaynay waxaan boobsiinnay dhammaan diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa, Alle mahaddiis si nabad ah ayay ku degtay 22 qof oo UN ayaa saarnaa, cid wax ku noqotay ma jirto, deb demiska iyo Ambalasyaduna heegan ayay noo ahaayeen, wax mushkilad ahna ma dhicin”.

Dhabbaha ay ka haadaan diyaaradaha oo uu mashquul ku yimid awgeed ayaa la hakiyay duullimaadyada garoonka illaa 5-ta galabnimo ee maanta, sida uu sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Related posts

Fahad Yaasiin oo Axmed Madoobe ku tilmaamay Kansar Siyaasadda dalka ku dhax jira

Cabdi Cade

Jubbaland oo amaro la xiriira cudurka COVID-19 ku soo rogtay Masaajidada Kismaayo

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay tirada askarta dowladda ee ku dileen Weerarkii Ruun-nirgood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---