Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad goordhaw shil ku gashay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Waxaa goordhaw shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, diyaarad la sheegay in ay leedahay hay’adda Qaramada Midoobya, xilliga ay diyaarada shilka galeysay ayaa la tilmaamay in garoonka ay kasoo dageysay.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada ayaa xilli ay dooneysay in ay kusoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa u bixi weysay lugaha, taas oo keentay in diyaarada markii dambo soo degto ayna sidaasi shilka ku gasho.

Lama soo sheegin ilaa hadda wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee goordhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana saraakiisha garoonka sheegeen in la baarayo sababta keentay shilkan.

Shilkan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa imaanaya xilli maalmo kahor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradaasi ku dhintay shaqaalihii diyaarada la socday.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay dad hor leh oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Dagaalo culus oo ka socda Tripoli & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Hay’addaha Amniga iyo Taliska AMISOM (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---