Nin feeryahan ah oo u dhashay dalka Nageria, ayaa geeriyooday xilli uu ka qeyb galayay ciyaar feer toos ah, waxaana goobta uu ku geeriyooday feeryahankan ka dhacay argagax iyo naxtin lasoo daristay dadkii masraxaasi feerka joogay.
Gabriel Oluwasegun Olanrewaju, ayaa miir-daboolmay dhulkana ku dhacay xilli ay socotay ciyaar feer ah, waxaana feeryahanka oo loola cararay isbitaal kuyaalla magaalada Accra ku geeriyooday daqiiqado kaddib xilli lala tacaalayay.
Feeryahanka ayaa xaaladan adag galay wareegii saddexaad ciyaar feer ah oo ka socotay  garoonka Bukom Boxing Arena ee magaalada Accra, feerka ayaana si deg deg ah loo joojiyay waxaana loola cararay isbitaalka uu ku geeriyooday.
Maamulka cayaaraha feerka ee Ghana (GBA), ayaa xaqiijiyay warka geeridiisa, waxayna sheegeen loola cararay isbitaalka Korle-Bu Teaching Hospital ka dib gargaar degdeg ah oo loo fidiyay, halkaasoo oo u uku geeriyooday muddo 30 daqiiqo ah kaddib.
Xoghayaha guud ee guddiga tartanka feerka ee dalka Nigeria, Remi Aboderin, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid feeryahanka , waxa uuna Oluwasegun ku tilmaamay inuu yahay qof geesi ah oo dhintay isagoo halyeey u ah dalkiisa.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com