Ciidamada badda dowladda Iran , ayaa gacanta ku dhigay labo markab oo nuuca shidaalka qaada ah, waxaana maraakiibtan ciidamada badda Iran gacanta ku dhigeen xilli ay marayeen gacanka Faaris , sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi.
Maraakiibtan ciidamada badda Iran qabteen oo lagu kala magacaabo Stat iyo Vintage , ayaa laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana maraakiibtan la sheegay in ay wadeen in ka badan saddex milyan oo litir oo shidaal ah.
Iran ayaa ku eedeysay labadan markab ay qabteen in ay tahriibinayeen shidaal sharcidarro ah, waxaana labadan markab la geeyay iyaga iyo 25 shaqaale oo la socda dekedda Bushehr ee koonfurta Iran, halkaas oo baaritaanno lagula sameenayo maraakiibtan , sidoo kale lagula wareegayo shidaalka ay wadaan.
Dowladda Iran ayaa xoogga saartay kahortagga shidaalka sharcidarada ah ee la tahriibinayo, waxa ayna inta badan la wareegaan shidaalka la qabto iyada oo sifo sharcidarro ah looga gudbinayo gacanka Faaris, sabababo la xariira qiimaha hoose ee sgidaalka la iibinayo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com