Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo ku gacan sayrtay hindiso ay soo jeedisay Israa’iil

Xamaas oo ku gacan sayrtay hindiso ay soo jeedisay Israa’iil

Faahfaahin cusub oo ku saabsan soo jeedinta Israa’iil ee wadaxaajoodyada heshiiska maxaabiista:

Maalinta koowaad ee xabbad-joojinta: Waxaa  Xamaas ay  sii deynaysaa  10 maxbuus oo nool, iyo sidoo kale   askariga Mareykanka-Israa’iiliga ah, Idan Alexander.

Maalinta shanaad:  Hamas waa in ay bixisaa xog dhameystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan dhammaan maxaabiista ay hayso, taasoo la micno ah in ay soo gudbiso liiska dhammaan 59-ka maxbuus ee ay gacanta ku hayso, iyada oo si sax ah u cadeynaysa xaaladooda.

Arrintan ayaa ka duwan tii wejigii hore, markaasoo Hamas ay bixisay oo kaliya macluumaad guud oo ku saabsan qaar ka mid ah 33-kii maxbuus ee la sii daayay iyagoo nool.

Maalinta tobnaad: Waxaa Xamaas ay soo  celinaysaa  meydadka 16 maxbuus oo dhintay, taasoo qiyaastii u dhiganta kala bar maxaabiista la dilay.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay sii deyn doontaa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo  ah tiro le’eg kuwa lagu sii daayay  heshiiskii  ugu dambeeyay.

Inta lagu jiro maalmaha xabbad-joojinta, waxaa laga wada hadli doonaa waxa dhici doona “maalinta xigta,” taasoo la micno ah shuruudaha lagu soo afjarayo dagaalka.

Israa’iil waxay dalbaneysaa in, marka lagu daro sii deynta dhammaan maxaabiista iyo soo celinta meydadka la dilay ay tahay in la fuliyo:

  1. Aag ammaan ah oo gudaha Qaza ah.
  2. In hubka laga dhigo Gaza.
  3. In hoggaamiyeyaasha Hamas laga saaro Qaza.

Hamas waxay si cad u diiday soo jeedintan, iyada oo ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ay sii deyso oo kaliya 5 maxbuus oo nool.

Israa’iil wali ma aysan go’aamin waqti kama dambeys ah oo ay Hamas kaga jawaabayso hindisahan, balse waxay ku hanjabtay in haddii Hamas aysan oggolaan soo jeedinta, ay ballaarin doonto howlgallada dhulka ee Qaza, cadaadisna sii kordhin doonto, taasoo ay ku jirto la wareegidda goobo dheeraad ah iyo sare u qaadista weerarrada

Related posts

Waa yaabee Waaya joogii hore Maxaa loo hilmaamay ?

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kala hadlay Mattias Mayr dar-dar gelinta Mashaariic kala duwan

Cabdi Cade

Villa Somalia oo jawaab adag ka bixisey eedeymaha Guddoonka Aqalka sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---