Waxaa la arkaa Xuutiyiinta oo gantaallo hypersonic iyo ballistic-ga ah ku weerarraya Israa’iil, natiijaduse waxay noqotaa inan la soo warin waxa ay doonayaan dad badan inay maqlaan oo ah dhimashada tobannaan iyo boqollaal ka dhashay weerarka Xuutiga! waxaa jira xaddidaad waxa dhacay ee dhabta ah looga oggaan karo gudaha Israa’iil, laakin xaqiiqadu waa inaysan weerarradu dilin tobannaan iyo boqollaal!
Waddamada waxay la kulmaan cawaaqibka nooc kasta oo dagaal ay ku lug leeyihiin, ma aha kaliya dhimashada oo waxaa dhacda saameyn darran , sida xasillooni darro, burbur dhaqaale, khalalaase siyaasadeed iyo mid bulsho , waana waxa ay hadda Israa’iil la kulmayso.
Waxaan ku siinaya hal xaqiiq , sababta ay Xuutiyiinta iyagoo aan dhimasho dhalinayn, hadana ay weerarrada u wadaan;
Weerarrada Xuutiyiinta iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee iska caabinta, waxay Israa’iil ku khasbeen inay adeegsato nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD, markii uu waxtar noqon waayay nidaamkii difaac ee Israa’iil.
Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee N12, wuxuu warbixin gaar ah ku xaqiijiyay in labadii toddobaad ee u dambeysay oo Xuutiyiinta ay dib usoo celiyeen weerarradooda inuu qabtay 6 gantaal nidaamka difaaca THAAD.
Qiimaha halkii gantaal ee nidaamka difaaca THAAD uu u baahanyahay inuu uga hortaggo gantaallada , waa ku dhawaad 12.6 milyan oo dollar, sida lagu sheegay warbixinta maaliyadeed ee Mareykanka ee FY2017, taasi waxay ka dhigaysa 75.6 milyan oo dollar inay uga baxday Israa’iil muddo ka yar labo toddobaad , si ay uga hortagto gantaallada Xuutiyiinta.
Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid wuxuu wax ka badan halmar sheegay inuu u baahanayahay dhaqaalaha Israa’iil sii uu ugu soo laabto, halkii uu joogay ka hor 7 Oktoobar, 2023 , muddo toban sanno ah oo ay Israa’iil wax dagaal ah ku lug yeelan, sidoo kale wuxuu sheegay muddo 10 sanno ah inay Israa’iil dib dhacday! Hadalkan waxaa sidoo kale ku raacay dhowr dhaqaale yahay oo Israa’iiliyiin ah.
Wasiirka xagjirka ah ee maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich wuxuu bartamihii bishan inoo sheegay saameyn kale oo Israa’iil dagaalku ku yeeshay ,isagoo markii u horreysay soo bandhigay in dagaalka Qasa uu burburiyay riyadii muddada dheer uu ku taamayay ee Israa’iil oo isku ballaarisa bariga dhexe , wuxuu yiri ; “ Illaa 2023 , waxaan ka gudbi la’nahay Qasa iyo niman aan xataa heysan kabo ay xirtaan…. weerarkii 7 Oktoobarna waa mid aan si fudud uga bixi doonin maskaxdeenna.”
Intaa oo kaliya kuma koobna saameynta weerarrada ay la kullanto Israa’iil, ee waxaa xirmay dekedaha iyo garoommada diyaaradaha oo ma jiro qof ka baxa oo dib ugu soo laabtay , waxay wajahday Israa’iil barakici ugu sarreeyay oo YH-da ay ka qaxayaan Israa’iil, tan oo saameyn ku yeelatay mashruucii dib u dejinta ee tobannaanka sanno balaayiinta dollar lagu bixiyay si Israa’iil loo soo dejiyo YH-da ku nool caalamka. Marka saameynta kuma koobna halka aad ka eegayso oo ah ‘dhimashada’, waxaa jira saameyn ka culus dhimashada sida looga soo kabto,marka istaraatiji ahaan khasaaraha uu ku soo gaaro waxaad u burburaysa si istaraatiji ah oo waqti dheer qaadanaysa dib u kabashada, tana waa sababta aad u arkayso weerarrada Xuutiyiinta oo sii socda!
Iska caabintana waxay muddo kooban badaleen aragtidii Israa’iil, oo waxay u rogeen nidaam daciif ah oo u baahan taageerrada Mareykanka iyo xulafada galbeedka, waxayna beeniyeen hamigii Israa’iil, warshadihii difaac ee Israa’iiln waxay u rogeen kuwa aan waxtar lahayn,tana waa sababta aan kugu sheegay marka si israraatiji ah ay saameynta ku gaarto, waxay ka xannuun badan tahay boqollaal qof oo ka dhimata..!
IMAN JAMA