Allbanaadir.com
NEWS

Fanaan caan ah oo geeriyooday isagoo Masraxa ka heesaya

Fannaan caan ah oo u dhashay waddanka Turkiga kaas oo lagu magacaabi jirey Volkan Konak ayaa geeriyooday xilli uu ka heesayey munaasibad loogu dabaal degayey maalinta Ciidda oo ka dhacday Jasiiraadda Qubrus.

Fannaanka oo isaga oo heesaya naftu ka baxday ayaa lagu soo warramayaa in dhinaca Wadnaha lagaga soo booday taasoo sababtay in uu masraxa ku dhoco, xilli ay xafladdu si toos ah u socotay.

Wasaaradda caafimaadka ee Qubrus ayaa xaqiijisay warkan naxdinta leh, iyadoo sheegtay in Konak loola cararay isbitaalka ka dib markii uu si lama filaan ah u xanuunsaday intii ay socotay bandhigga. Si kasta oo loo dadaalay, waxa uu geeriyooday wax yar ka dib markii la dhigay.

Dhimashada Konak ayaa waxaa si aad ah uga murugootay taageerayaashii iyo asxaabtiisa.

Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh la wadaagtay, iyadoo lagu xasuusto Konak inuu ahaa fanaan aad loo jeclaa oo codkiisa iyo muusigiisa ay quluubta dad badan taabteen. “Shaqaladiisu waxay ku noolaan doonaan xusuustayada,” ayay wasaaraddu ku qortay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada.

Meydka Konak ayaa la filayaa in loo wareejiyo Turkiga kadib baaritaan lagu sameeyay meydka, iyadoo saraakiisha qunsuliyada Turkiga ee Famagusta ay si dhow ula socdaan xaaladda.

Related posts

Dowlada Imaaraadka oo balan qaadyo Muhiim ah u sameesay Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Musharaxiinta Mucaaradka qaarkood oo Wadahadalo u socda iyo Hal qorshe ay leeyihiin

Cabdi Cade

Koronto la’aan saameysay dalka Afrika ugu wax soo saarka badan shidaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---