Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo ciidamada daraawiishta Jubaland, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal ka dhan ah kooxda hubeysan ee Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ay fuliyeen ciidamada huwanta ah , ayaa lagu burburiyay xarumo ay kooxda Al Shabaab dadka lacago uga qaadi jireen iyo goobo kale oo la sheegay in kooxda saldhig u aheyd.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay burburiyeen goobo dadka shacabka ah looga qaadayay Sakaatul Fitri qasab ah, waxa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada khasaaro gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab.
Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland , ayaa mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas ay mararka qaar Al Shabaab la sheego in ay saldhigyo ka dhigtaan.