Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhoweeyey gogoshii uu dhigay madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Axmed Madoobe oo salaadda ciidda Kismaayo kula tukatay qaar kamid ah bulshada Jubbaland ayaa sheegay in Somalia marayso marxalad aad u adag ayna u baahan tahay isku duubni iyo in runta laysu sheego meeshana laga saaro khilaafaadyada siyaasiga ah.
“Waa garanaynaa dowladnimada Somalia meeshay marayso, waxay u baahan tahay in cadawgeeda loo midoobo lagana wada shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waana bogaadinayaa cidkasta oo dagaalkaas kujirta hadday tahay kuwa DFS iyo kuwa Puntland, dowladnimadeenu weli waa abuur waa mid laysu soo jiid jiidayo markasta oo khilaafyimaadana burbur ayaa imanaya cadawguna waa faa’iidaysanayaa, aan xaqiiqda isku sheegno”, Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida looga baahan yahay inay joojiyaan khilaafka dhexdooda ah isla markaana dalka ay haystaan cadaw gaamurey oo aargoosi u baahan.
“Shacab shaar lagu dhibaateeyo waa nasiib darro, Cidda aargoosiga inooga baahan oo wax inaga dhexeeyaan waa nimankaa cadawga ah ee dalka haysta, waa soo dhoweynayaa in la wada hadlo, waxaan inagu Soomaali ahaan isla qaban waynana caalamka oo dhammi hadduu isu yimaado inooma qaban karo”, Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com