Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo soo bandhigay qorshaha ay ka damacsan yihiin Qasa iyo Xamaas

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu , ayaa maanta soo bandhigay wax uu ku sheegay qorshe ay tahay inay oggaato cid walba oo ku aadan sida ay ka rabaan Qasa iyo kooxda Xamaas, isaga oo damacsan hirgelinta qorshihii Madaxweyne Trump.

Netanyahu ayaa caddeeyay in ay doonayaan Xamaas inay hubka dhigto oo hoggaamiyayaashooda ka baxaan marinka Qasa, kuna wareejiyaan Israa’iil ammaanka Qasa , taa oo uu ku sheegay inay tahay marxaladda u dambeysa ee heshiis kasta oo ay la galayaan Xamaas.

Waxa kale ee uu soo bandhigay , waxyar ka hor inta uu ku jiray , hadal uu u jeediyay golaha wasiirrada Israa’iil , oo laga baahiyay telefishinka Al Jazeera , waa inuu sheegay inay Israa’iil sii wadi doonto dhaqangelinta soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in Qasa laga faarujiyo Falastiiniyiinta iyo kordhinta cadaadiska ay ku hayaan Xamaas oo ay u marayaan weerarrada ay ka geysanayaan Qasa.

“Taasi waa qorshaha, ma qarineyno, waxaan diyaar u nahay inaan ka wada hadalno wakhti kasta,” ayuu yiri Netanya

Wax badan ma qaadan inay Xamaas , soo baxo oo ay soo bandhigaan jawaabtooda ku aaddan hadalka Netanyahu, kaddib markii hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Xamaas, Khalil al-Hayya uu ku sheegay inay khad cas u tahay Xamaas inay hubka dhigto, inta ay Israa’iil duullaanka ka wado marinka Qasa oo aan la gaarin hadafka dhismaha dawladda Falastiin.

Sargaalkan ayaa caddeeyay inay Xamaas oggolaatay soo jeedinta Qatar iyo Masar ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa oo ay ku jirto guddi dhinacyada Falastiin ah inay maamullan howlaha marinka Qasa, si loo soo afjaro dagaalka.

W/T Iman Jamac

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bankiga IBS oo Muqdisho kusoo Bandhigey adeeg Cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan muhiim ah la qaatay Yuweri Museveni (Sawirro)

Cabdi Cade

(Video) Rag dilal & Qaraxyo geystay oo la toogtay & Ciidamada Itoobiya oo la qarxiyey

admin
Taboola Ads ---