Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal cir iyo dhul oo ka dhan ah Al Shabaab oo socda deegaanka…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka deegaanka iyo saaxiibo caalami ah , ayaa howlgal cir iyo dhul ah ka wada dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, deegaankaas oo maalmo kahor Al Shabaab weerar ku qabsadeen.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu baahiyay Tv-ga Qaranka , ayaa lagu sheegay in ciidanka milatariga maanta howlgallo culus ka wadaan dhulka howdka ah ee Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo lagu go’doomiyey horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in howlgalka uu wali yahay mid socda, waxa ayna saraakiisha tilmaameen in howlglka socda khasaarooyin badan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab ee ku sugan aagga howlgalku ka socdo.

Warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor Al Shabaab la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ahaa deegaan istaraatiiji ah, waxaana deegaankan lagu soo waramayaa in wali kooxda Al Shabaab heestaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madaxda ugu sarreysa dalka Talyaaniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Axmed Fiqi oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad ka tirsan Yurub oo shaacabkeeda u fasaxday Isticmaalka xashiishka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---