Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo madax iyo shacab kula tukaday Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumanaan kun oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta la oogay.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, ayaa  tukashada salaadda Ciidul-fidrida kala qayb-galay kumanaan qof oo ku tukanayey Masjid-Jaamaca  Magaalada Hargeysa, waxaanu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, taasoo ku salaysan muhiimadda ay leedahay nabada wada-jirka iyo isku duubnimada bulshadu.

Ugu horrayn, Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa  bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta Ciidul-fidrida isaga oo Eebbena uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo iyo dambi-dhaaf.

Related posts

(Sawirro) Dayuurad uu leeyahay Madaxweyne caan ah oo laga helay daroogo fara badan

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay la taliyeyaal cusub (Magacyada)

Caydiid Ali

Xildhibaan Axmed Taajir oo Xabsiga laga sii daayay iyo Faah faahino kasoo baxaya…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---