Madaxweynaha Jamhuuriyadda jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa saaka oo Axad ah salaadda Ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacab iyo madax.
Tukashada salaada ciida ayaa ka dhacday beerta Cawleed oo ah meel caan ah oo ku taal agagaarka Cisbitaalka Guud ee Peltier ayuu Madaxwaynuhu kula tukaday dadweynaha Salaadii Ciidul Fidriga
Dadka reer Jabuuti ayaa markii laga soo baxay Salaada Ciida waxa ay si isdaba joog ah u soo bandhigeen farxad iyo dhaqamo la xariira Munaasabada ciida.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO