Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada degaanka uga mahad celiyey sida ay ugu istaageen in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda waxaana uu ugu baaqay inay garab istaagaan halganka Al shabaab looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolka Shabeellada hoose.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Salaadda Ciidul Fidriga kumannaan shacab ah kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale ee caasimadda Muqdisho.
Mudane Cabdisalaam ayaa hambalyo gaar ah u diray ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo habeen iyo dharaarba u taagan ilaalinta dadka iyo dalka, dhowaana ka guuleysan doona al shabaab
“Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha Soomaaliyeed ee maanta ku ciidaya jiidaha hore ee dagaalka. Intii lagu jiray bisha Ramadaan, waxaad muujiseen midnimo iyo isku duubni, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga si bulshada Soomaaliyeed u helaan amni iyo xasillooni”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii loo midoobi lahaa ciribtirka Al shabaab, si isku mid ahna loo garab istaagi lahaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee halganka ugu jira sidii ay dalkeenna uga sifeyn lahaayeen Al-shabaab.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA