Waxaa sii kordhaya loolanka dhinaca awooda ah ee u dhexeeya masuuliyiinta sare ee Wasaarada arrimaha dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumada Somalia.
Wasiirka Arrimaha dibeda Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cali Balcad oo ku tiirsan taageerada uu ka heysto Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa howlo isbarbar yaac ah ka wada Wasaaradda taasoo saameysay habsami u socodkii howlaha muhiimka ah ee wasaaradaas oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee Dowlada.
Loolanka labada nin u dhexeeya ayaa waxaa qeyb ka ah cida maamuleysa baasaboorka diblomaasiga ah oo sanadahan noqday mid faraha ka baxay oo dad badan oo aan masuuliyiin aheyn qaab musuq ah loo siiyey.
Mid walba oo ka mid ah labada nin waxaa uu doonayaa in amarka lagu bixinayo baasaboorka isaga looga dambeeyo si uu lacag uga sameeyo qaab mukhalasnimo ah, wuxuuna baasaboorkaas noqday il laga sameeyo dhaqaale fara badan qaab musuq ah.
Ilo wareedyo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegaya in Cali Balcad oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda uu bixiyay 908 Baasaboor oo isugu jira diblomaasi & Service, intii u dhaxaysay February 2024 iyo March 2025 sida uu diiwaan geliyay Xafiiska Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaarada
Waxaa la xaqiijiyay inuu ku iibsadey midkiiba qiime gaaraya $6,000 ilaa iyo $ 5,500. Saaka
Warar aan si fiican u soo shaac bixin balse isa soo taraya ayaa sheegaya in qaar ka mid Baasabooradda loo sameeyay dad aan Soomaaliba aheyn taasoo hadii ay cadaato weji cusub u yeeleysa fadeexada ka taagan ka ganacsiga baabasoorka diblomaasiga iyo kan Serviceka ah.
Qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeedka ee ku yaalla Nairobi ayaa horey u hakiyey iney Fiiso ku bixiyaan baasaboorka diblomaasiga ka dib markii ay safaaradahaas ka argagaxeen tirada dadka wata baasabooradaas oo xad dhaaf noqotay, waxayna qoraalo la wadaageen heydaha ay khuseyso ee DF oo ay ugu horeyso Wasaarada arrimaha dibeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir Online
London, UK