Mdaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo shacabka kala hadlayey qalabka warbaahinta ayaa umadaha Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada ciidul Fitriga
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si aragtidooda iyo dadaalkooda qeyb uga noqdo dagaalka al shabaab iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah oo u shaqeysa dastuurka iyo sharciyada u degsan.
Tallooyin maalmihii u dambeeyay ka imaanayay Xubnaha Mucaaradka iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha loogu jeedinayay inuu dhigo gogol qaran oo looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda gudaha, isla markaana Madaxweynuhu furo Saaxadda siyaasadda (Political Space) si dalka uu Midnimo Qaran ugu wajaho la dagaalanka Argagixisada.
HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA