Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo laga arkay bisha Shawal & Madaxweyne Cirro oo hadlay

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay tahay beri maalinta koowaad ee Ciidul fitriga ka dib markii bisha shawal laga arkay degaano kala duwan

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Somaliland ayaa sheegay in 9 qof oo ku kala sugan Hargeysa  iyo labada deegaan ee Go’da-yar iyo Laaso-Dawaco  ay arkeen bisha Shawaal berrina ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa shacabka muslimiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada ciiida.

“Shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Islaamka waxaan u rajeynayaa iney ciidan teeda kale ku gaaraan, nabad, horumar iyo barwaaqo” ayuu yiri Madaxweyne Ciro.

Sacuudiga iyo inta badan dalalka Islaamka ayaa sheegay iney beri tahay maalinta koowaad ee ciidul fitriga ka dib markii dalalkaas laga arkay bisha Shawaal.

Dowlada Soomaaliya ayaan illaa hadda war ka soo saarin in beri ay tahay ciid iyo in kale, iyadoo la filayo iney goor dhow arrintaas ka hadasho.

HOOS KA DAAWO HADALKA CIRO

Related posts

Turkey oo war cusub ka soo saartay kiiska loo heysto wiilka Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Safiiradii ugu badnaa ee Maraykanka u fadhiya dibeda oo is casilay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Axmed Karaash oo xilalka ka qaaday Wasiiro ku dhow Deni, kuwo kalena ku bedelay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---