Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga & dalal kale oo ku dhawaaqay iney beri tahay Ciid

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goor dhow shaacisay iney la arkay bisha Shawaal 1446, maalinta beri oo axad ahna ay tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.

Qoraal ka soo baxay Maxkamada sare ee sacuudiga ayaa lagu sheegay in bisha Shawwal laga arkay degaano ka tirsan Sacuudiga sidaas awgeedna ay berri oo Axad ah 30-ka Maarso sanadka 2025ka ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fitriga.

Sidoo kale Qatar & Imaaraadka & dalal kale ayaa ku dhawaaqay iney beri tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.

Dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin iney beri tahay Ciid & in kale inkastoo warbaahinta DF ay ka codsatay shacabka in qofkii arka uu soo sheego.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

Ex-Xildhibaan Shiikh Shaacir Shiikh Max’ed oo geeriyooday & Xassan Shiikh oo ka hadlay

Caydiid Ali

Taliyihii hore ee NISA oo shaaciyay Madaxda qaar ay rabaan in Al Shabaab dalka sii joogaan

Cabdi Cade

Ruto oo magacaabay Wasiirro uu ku jiro Aadan Ducaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---