Allbanaadir.com
NEWS

Dalkii ugu horeeyey caalamka oo shaaciyey Maalinta Ciidul fitriga

Australia ayaa noqday  dalka ugu horreeya ee si rasmi ah ugu dhawaaqay waqtiga Ciidul Fitriga 2025.

Guddiga Fatwada ee Australia ayaa soo saaray bayaan sheegay in maalinta ugu dambeysa ee Ramadaan ay tahay Axadda beri ah, 30-ka Ramadaan, taasoo ka dhigan in Isniinta, 1-da Shawaal, ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, iyadoo lagu saleynayo in aan la helin shuruudihii aragga bisha.

Dhanka kale, Golaha Imaamyada Qaranka ee Australia ayaa muujiyay ixtiraamkooda ku aaddan kala duwanaanta aragtida fiqhiga ee la xiriirta xaqiijinta bilaha hijriyada, iyagoo ugu baaqay in la xoojiyo midnimada ummadda Muslimka ah iyo in la ixtiraamo kala duwanaanta fikirka, si loo hormariyo qiyamka guud ee wadajirka ah.

Dhinaca kale, Maxkamadda ugu sarreysa Sacuudi Carabiya ayaa amartay in dadka ku nool Boqotooyada ay bilaabaan raadinta bisha Shawaal maanta oo 29-ka bishu tahay. Waxaan bilaabanaysaa raadinta maalinta Ciidul-fitriga. Natijada ayay ku dhawaaqi doonaan xilliga maqribada.

Dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa la xusaa ciid diimeed muhiim ah oo loo yaqaano Ciidul Fidriga, iyadoo qoysaska ay isugu yimaadaan iyagoo xiran dharkooda kuwa ugu wanaagsan si ay u ciidaan.

Marka dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan soo dhawaato, 1.9 bilyan oo Muslimiinta caalamka ah ayaan rejaynaya in ay helaan cir qaawan oo bilaa daruur ah si’ay u arkaan dhalashada bisha dabaaldagga ciidduna u bilowdo. Sidii bishii Ramaadan dabaaldeggani waxuu bilowdaa dhalashada bil kale.

Islaamku wuxuu raaca jadwalka dayaxa, oo ku salaysan wejiyada Dayaxa. Sannad kasta, bil kasta oo kalandarka dayaxa waxay dhacdaa qiyaastii 11 maalmood ka hor markii ay dhacday sannadkii hore.

Related posts

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis labada dal muhiim u ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharaxiin si adag uga hor yimid in Doorashada Kursigii loo diiday Fahad Yaasiin loo soo wareejiyo Muqdisho

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho oo la kulmay Madaxa Wakaalada Biyaha Magaalada Ankara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---