Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo culus oo lagu garaacay godad ay ku dhuumanayeen Daacish

Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari Puntland , ayaa sheegaya in saakay duqeymo aad u culus lagu garaacay godad la sheegay in ay ku dhuumanayaan saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish.

Duqeynta oo la sheegay in ay tahay mid aad u culus oo jugteeda meelo badan laga maqlayay ayaa lagu garaacay togaga Miraale iyo Baalade sare,  waxaana halkaasi la tuhmayaa in ay joogaan xubno katirsan Daacish oo ka firxaday farumaha dagaalka.

Saraakiil katirsan ciidamada maamulka Puntland oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta gantaalo culus oo lagu garaacayo goobo ay ku dhuumaaleesanayeen xubno katirsan kooxda Daacish oo lagu jabiyay dagaala dhinaca dhulka ah.

Duqeymahan maanta lagu garaacay godadka ay gabaadka ka dhiganayeen kooxda Daacish, ayaana wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan khasaaraha Daacish lagu gaarsiiyay duqeynta.

Habeenno kahor duqeymo ka dhacay togga Miraale ayaa lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Daacish, gaar ahaan xubno ajaaniib ah oo meydadkooda dul tageen ciidamada Puntland, waxaana duqeymahan inta badan Puntland ciidankooda ku taageera Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Farmaajo oo Hub aruursi ka bilaabay Muqdisho iyo Hal Sabab oo keentay !

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qarax lagu dilay Faarax Ciise Samatar 

Cabdi Cade

Mareykanka oo bur buriyay dooman ay lahaayeen Xuutiyiinta oo afduub geesan rabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---