Booliiska maamulka Puntland, ayaa soo saaray digniin dhinaca amaanka ah , waxa ayna dadka shacabka ah ugu baaqeen in ay galaan feejignaan dheeraad ah , maalmaha lagu jiro dabaaldegga munaasabada Ciidul Fidriga
Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa dagaal adag kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, kuwaa oo laga cabsi qabo firxadkooda in magaalooyinka soo galaan ayna dhibaatooyin geestaan.
Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Puntland, Gaashaanle sare Xasan Cabdullaahi Maxamed, ayaa shacabka uga digay haliska firxadka Daacish, waxa uuna shacabka ugu baaqay in feejignaan dheeri ah sameeyaan.
“Maadaama ay socotey shaqadii buuraha Cal-miskaad, argagixisadiina waa markii 3aad oo ay soo firxanayaan si ay shacabka ugu dhex dhuuntaan, ciidanka waxaa la farayaa inay dhiiranaadaan una dhega nuglaadaan farriimaha ka imaanaya shacabka”, Ayuu yiri G/Sare Xasan Cabdullaahi Maxamed.
Waxa uu intaasi ku daray “Cidkasta oo laga shakiyo waa la qabanayaa, noocuu doono ha ahaado, derejaduu doono hasito waa la qabanayaa sharcigaa la horgeyn doonaa, waxaana la doonayaa in bulshada ammaankeeda la ilaasho”