Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo amray Sirdoonka Mossad in wadahadal la furaan Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu ayaa lagu warramayaa inuu ku amray hay’adda sirdoonka dibadda ee Mossad, inay wada-hadallo la furto dawladda Soomaaliya , si ay ugu qanciso inay Soomaaliya oggolaato in  dhulkeeda la dejiyo Falastiiniyiin laga soo barakicinayo marinka Qasa.

qorshahan uu wato Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, ayaa sidoo kale la sheegay in ay qeyb ka yihiin dalal kale oo ay ku jiraan Koonfurta Suudaan iyo Indonesia, sida ay daahqaaday warbaahinta Axios oo xiganaysa labo sarkaal oo Israa’iiliyiin ah.

Dalalkan ayaa haddii ay oggolaadaan qorshaha Israa’iil, waxay heli doonaan dabool diblomaasiyadeed iyo taageerro dhaqaale, wallow ay horey Soomaaliya u caddeysay mowqifkeeda ay ku diidday barakicinta Falastiiniyiinta, haddana toddobaadkii hore wuxuu Netanyahu dhisay guddi gaar ah oo ka shaqeynaya sidii ay Israa’iil ku gaari lahayd in la helo habab Falastiiniyiinta ay ikhtiyaarkooda uga baxayaan Qasa , xilli sare ay Israa’iil u qaaday duqeymaha ay ka geysanayso marinka Qasa oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu jabiyo adkaysiga Falastiiniyiinta reer Qasa.

Dawladda Soomaaliya, wali kama hadlin wax la xiriira warbixintan oo qeyb ka noqonayso warbixinno ay warbaahinta ka soo bandhigayso mowqifka barakicinta dadka kunool magaalada Qasa ee ay ka mideysanyihiin Netanyahu iyo Donald Trump.

Soomaaliya ayaa marar badan ku soo baxday dalalka ay u arkaan inay ku habboonyihiin in la dejiyo Falastiiniyiinta laga fogeynayo dhulkooda ,ma cadda haddii sababta mar kasta liiskaa ay Soomaaliya uga soo muuqanayso ay tahay inuu Netanyahu arkayo helitaanka habab badan oo lagu cadaadin karo Soomaaliya.

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ruto oo ka saaray Rigathi Gachagua WhatsApp groupka Madaxtooyada

Cabdi Cade

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay dowlada Mareykanku ka tiri falkii foosha xumaa ee lagu gubay Quraanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---