Allbanaadir.com
NEWS

Kulan xasaasi ah oo looga hadlayay dagaalka Al Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Akadamiyadda Jeneraal Kaahiye ku shir gudoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Xoojinta ammaanka guud ee Dalka .

Waxaa kulanka Warbixino ku saabsan guud ahaan Ammaanka Gobolada Dalka kasoo jeediyey Saraakiisha Amniga u xilsaaran waxaana si qoto dheer loogu falan-qeeyey guulaha iyo Caqabadaha Howlgalka ka dhanka ah Khawaariijta banaystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey Baraaruga iyo garab istaagga ay Ciidamadooda furimaha jooga u muujiyeen,Saraakiisha iyo Ciidamadana waxa uu faray in shacabka xogaha amaan ee ay la wadaagayaan si dhakhso leh uga howlgalaan si loo soo afjaro Khawaariijta duulaanka ku ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya wado abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , kuwaa oo duullaano cusub kusoo qaaday qeybo kamid gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Shabeelaha Hoose.

Related posts

Bankiga dhexe ee Somalia oo shaaciyey nambarada lacagaha dalka loo soo daabacayo

Caydiid Ali

Ku dhowaad boqol qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku dumay

Caydiid Ali

Somalia oo loo balan qaaday taageero caalami ah ka dib shirar ka dhacay Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---