Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo gaarey goobihii 26-kii March lagu duqeeyey kooxda Daacish ayaa gacanta ku dhigay macluumaad badan oo ku saabsan xubnaha ajaaniibta ah ee u soo kicitimay dhibaatayna bulshada Soomaaliyeed.
Togagga Buur & Bacaad iyo Baalade oo kamid ah goobaha duqaymaha xooggan lagula beegsaday Daacish, ka sokow meydadka iyo hubka loogu tegey, waxaa ciidamadu ku soo bandhigeen macluumaadka Dhalasho (Passports) ee tobanaan kamid ah ajaaniibta u dagaalamaysay kooxda Daacish.
Baasaboorada ay ciidanku soo bandhigeen ayaa dhammaantood ahaa ajaaniib ka soo kala jeeda 11 wadan oo kala ah Argentina, Bahrain, Bangaladesh, Saudi Arabia, Lebnan, Marocco, Tunisia, South Africa, Tanzania, Kenya & Germany.
Madaxda Daacish ayaa la xaqiijiyey inay baasaboorada ka ururiyaan xubnaha ajaaniibta ah si aysan ugu suurta gelin inay dib ugu laabtaan dalalkooda isla markaana loogu sii hayo buuraleeyda Cal-miskaad oo ay haatan gabaabsi ku yihiin.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com