Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin oo codsi xasaasi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya , Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in talo iyo tusaale ka dhan ah dagaalka ka dhanka ah argagaxisada la yeesho siyaasiyiinta mucaaradka.

Fahad Yaasiin ,ayaa sheegay in ay diyaar ula yihiin Madaxweynaha in meel la iska dhihi kala aragti duwaanasha siyaasadeed, lana wadaagaan talo iyo tusaale badbaado u noqon kara dalka, lana muujiniyo midnimo iyo wadajir.

”Waxaan diyaar kuula nahay in aan meel la Iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah, oo aan kula wadaagno talo iyo tusaale walba oo dalka badbaado u noqonaya, waana waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni karta qorshe qaran oo looga hortagi karo argagaxisada halista ku ah jiritaanka qaranka” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu ku baaqo gogol qaran oo loogu yeerayo cid kasta oo wax ka gasha xaalada taagan, waxa uu kale codsaday in gogoshaasi  noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankiisa iyo dhanka mucaaradka labadaba.

”Mudane Madaxweyne, hal codsi baan kuu soo gudbineynaa, iyadoo lagaa filanayo inaad soo dhaweyso oo aad aqbasho. Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerto cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta. Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankaada iyo dhanka mucaaradka labadaba” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ugu Dambeyn Fahad Yaasiin ayaa sheegay in xilligan aan la joogin waqtigii la is eedeyn lahaa lana joogi xilligii loo midoobi lahaa badbaada dalka, waxa uuna kula taliyay Madaxweynaha in uu meel iska dhigo wax walbo oo dalka iyo dadkaba kala qeybinaya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin gabar 9 jir ah ku kufsaday Belad-weyne iyo Maamulka oo ka hadlay

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo soo bandhigay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo ka digay arrin halis ah oo dhaceysa haddii aan dib loo dooran 2024

Caydiid Ali
Taboola Ads ---