Allbanaadir.com
NEWS

Warbixino cusub oo laga helay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

War Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Turkiga ayaa lagu soo bandhigay arrimaha ay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga Ankara iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan

Agaasimaha madaxtooyadda Turkiga ayaa tilmaamay wada-hadalka in diiradda kagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, isla markaana Erdogan uu xaqiijiyay in Turkiga uu si adag u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Erdogan, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga ee labada dal.

Marka laga soo tago arrimaha amniga, waxaa sidoo laga hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo difaaca. Erdogan iyo Xasan waxay sahmiyeen habab lagu kobcinayo ganacsiga labada dhinac iyo xoojinta xiriirka warshadaha difaaca, taasoo ka tarjumaysa sida ay Turkiga uga go’an tahay muddada dheer ee horumarinta Soomaaliya, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in wada-hadallada labada hoggaamiye inay ka soo baxeen heshiisyo horleh oo difaac, waxaana la filayaa in markii u horreysay uu Turkiga geyn doono Soomaaliya boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Turkiga oo ka barbar dagaallami doona ciidanka Soomaaliya si ay taageerro uga siiyaan howlgalka socda ee la-dagaallanka Al shabaab, kuwaasoo adeegsanaya tiknoolajiyada iyo agabka milatari ee ciidanka Turkiga oo noqon kara tiradii ugu badnayd ee ciidamo ka socda dal ka tirsan NATO oo howlgallo toos ah ka fuliya gudaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa sidoo kale door istaraatijiyaad iyo milatari oo toos ah ku yeelanaya la-dagaallanka Al shabaab, waxaana badan surtagalnimada saldhig wadajir ah oo ciidammada Soomaaliya iyo Turkiga ay ka howlgallayaan in laga hirgeliyo gobolka Shabeellaha dhexe oo hadda xuddun u ah dagaalka socda, waxaana kor loo qaadaya tirada ciidanka milatariga Soomaaliya oo tababar cusub loo furi doono.

Waxaa heshiisyada cusub qeyb ka ah tababbarka ciidanka Soomaaliya in la hoos geeyo Turkiga , si loo joojiyo goobaha kale duwan ee ciidanka Soomaaliya tababarka loogu diro, halka si deg deg loo soo celinayo ciidanka tababarka ku dhammeystay gudaha Turkiga, sida ay ii xaqiiyeen labo ilo milatari iyo diblomaasi sare oo Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan, ayaa sidoo kale la filayaa marka uu soo gabagabeeyo socdaalka Turkiga inuu ku dhawaaqo go’aamo xaalad deg deg gelinaya dalka, si loo horumariyo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab oo hadda maraya meel adag.

Related posts

Wasiiro & Xildhibaano ka hadlay dagaaladii B/Weyne iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dal Muslim ah oo Marti gelinaya Maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---