Wasiirkii Gaashaandhiga Somalia ee 10 cisho ka hor xilka laga qaaday ayaa xalay ka soo muuqday kulankii ay magaalada Ankara ku yeesheen Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyo Dhigiisa Turkiga Erdogan.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo horey ugu sugnaa magaalada Ankara ayaan weli wareejin xilka wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowaan loo magacaabay Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Inkastoo Cabdiqaadir loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka ee Xukuumada Somalia haddana weli wuxuu wataa shaqadii Wasaarada Gaashaandhiga, iyadoo aan la oggeyn waxa sababay in labada wasiir loo kala beddeli waayo xilalkooda.
Dhowaan Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabado kala duwan oo ay xilalka ku kala waeegayeen wasiirada cusub sida Dhallinyarada iyo Ciyaaradaha iyo kan Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
“Madaxweynaha JFS mudane Hasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan. Waxaa sharaf ii ahayd inaan ku weheliyo madaxweynaheyga booqashadan taariikhiga ah ee wakhtigaan xasaasiga ah, taariikh baa qormeysa” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook.
Wasiir Jaamac oo ka mid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn laga qaaday xilka ka dib cadaadis Madaxweynaha uga yimid dowlada Mareykanka oo ahaa in C/qaadir Maxamed Nuur laga wareejiyo Wasaaradda Gaashaandhigga.
Ilo Diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ka caga jiidayeen howlaha taakuleynta ciidanka ee dhanka la dagaalanka Argagixisada, sababo ku aadan wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysay Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la tuhunsan yahay in Mareykanku dhibsaday sida uu ugu dhow yahay dowlada Turkiga.
Dhinaca kale, Wasiirka magacaaban ee Gaashaandhigga iyo kan Amniga ayaa ku maqan Cumro iyadoo dalka uu ku jiro dagaal, isla markaana labada mas’uul laga sugayay in ay kaalintooda qaataan.
Shalay ayay aheyd markii Kooxda Al Shabaab ay soo weerartay Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Sh/dhexe halkaasoo laga saaray laba sanno ka hor.