Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka qeyb galay kulan xasaasiyad abuuray (Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay kulan afur & casho ah oo lagu casuumay hoggaamiyayaasha diimaha ee Muslimiinta, Kiristaanka iyo Yuhuuda ee ku nool dalka Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay afur & casho Madaxweyne Erdogan uu u sameeyey culimada Yuhuuda, Kirishtaanka iyo muslimiinta ku nool dalkaas xilli ay dowladdiisu dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa dhalisay hadal-hayn, iyadoo dad badan is weydiinayaan suurtagalnimada iyo macnaha ay leedahay in hoggaanka Soomaaliya uu ka qeyb galo kulan noocan ah, xilli lala dagaallamayo koox sheegata inay difaacayso Islaamka sidaasna dad badan ku dagaal gelisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab uu salka ku hayo xasillooni daro, balse dadka dhaliilsan kulanka ayaa u arka mid aan waafaqsanayn xaaladda hadda taagan.

Al Shabaab ayaa dadka ay dagaal geliso ku beer laxowsata iney la dagaalameyso dowlad daba dhilif u ah Mareykanka iyo Reer galbeedka oo duulaan ku ah diinta Islaamka, iyadoo dad badan rumeysan yihiin in kulamada noocan ah ay Al shabaab ka dhigan karto Slogan ama talaabo ay ku soo jiidaneyso dhalinyaro ay dagaal geliso.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Cabdi Cade

Booliska Somaliland oo War ka soo saaray qarax la sheegay inuu ka dhacay Hargeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Saraakiil tababar usoo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---