Gudoomiyihii Waaxda Xalane oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Marxuum Abdullahi Sheekh Axmed ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Faahfaahin lagama hayo qaabka uu dilkan u dhacay hase ahaatee wararka ayaa sheegaya inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen rag hubeysan oo baxsaday.
Maamulka Degmada Wadajir ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada, asxaabta uu ka baxay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Shiikh Axmed, Guddoomiyihii Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir.
“Marxuumku wuxuu ahaa halyey karti iyo daacadnimo ku suntan, oo si hagar la’aan ah ugu shaqeynayay horumarka degmada. Wuxuu ahaa tiir adag oo ka mid ah maamulka, gacanta midigna u ahaa geeddi-socodka horumarka Nasiib darro, gacan ka xaq daran ayaa dishay, balse waxqabadkiisii iyo dedaalkiisii lama illaawi doono” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maamulka degmada oo looga hadlay dilka marxuumka.
“Maamulka Degmada Wadajir wuxuu ballan qaadayaa in aan la aqbali doonin in falkaas foosha xun uu si sahlan ku dhaafo, waxaana daba joogi doonaa arxanlaawayaashii ka dambeeyay dilka, si sharciga loo horkeeno, loogana guto cadaaladda marxuumka” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka.
Laamaha amniga DF ayaa illaa hadda war ka soo saarin dilkan oo ku soo aadaya xili ay hoos u dhaceen mudooyinkan dilalka gadmada ah ee loo geysan jiray masuuliyiinta degmooyinka iyo askarta dowlada.