Booliska Soomaaliya ayaa baadi goobaya askari ka tirsanaa ciidankaas oo baxsaday ka dib markii lagu eedeeyey dambiyo kala duwan, waxaana la baahiyey sawirkiisa.
“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku wargalinayaa inuu baxsad yahay Ex. A/lle Cabdirasaaq Cali Macalin oo horay uga tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska.
Booliska ayaa ka codsaday shacabka iney soo war geliyaan booliska cidii aragta ninkan
“Eedeysanahaan baxsadka ah oo galay dembiyo kala duwan kuna kacay qiyaano qaran, ayaa qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska waxa ay shacabka ka codsadeen in cid kasta oo aragta ama hesha xog ku saabsan oo sahli karta soo qabashada eedeysanahaan in ay la wadaagto Saldhiga Booliiska ugu dhaw ama ay wargaliyaan Laamaha amniga” ayaa lagu yiri qoraalka
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay sidoo in cidii keenta xog ku saabsan eedeysanahaan la siin doono abaalmarin ay ku qanacdo.