Shaqaalaha Machadka tababarka Macalimiinta ee hoos taga Wasaarada Waxbarashada Somalia ayaa ka cabanaya mushahar la’aan saameysay afartii bilood ee u dambeysay
Xubno ka tirsan Macalimiinta ka howlgala Machadka ayaa laga soo xigtay in iyaga iyo qoysaskooda ay heystaan duruufo adag oo nololeed xili lagu guda jiro bisha Ramadaan, ayna fooda nagu soo heyso munaasabada ciidul Fitriga.
Machadkan ayaa waxaa xubno ka ah illaa 100 Macalin oo tababaro siiya macalimiin tiradoodu gaareyso 6000 kun oo Wasaaradda waxbarashadu ka qoratay maamul goboleedyada qaarkood iyo gobolka Banaadir si ay wax uga dhigaan iskuulada ay gacanta ku heyso dowlada Somalia.
Ilo wareedyo ku dhow Machadka ayaa u sheegay Allbanaadir Online in Bankiga adduunka uu joojiyey bixinta mushaharka shaqaalaha Machadka ka dib markii uu iscasilay madaxii mashruuca Somalia Education for Human Capital Development Project oo uu maalgalineysay (World Bank) Maxamed Cabbduqaadir Nuur
iscasilaada Masuulkan ayaa timid ka dib fara gelin kaga timid Wasiirka Waxbarshada Somalia Faarax C/qaadir oo musuq-maasuqay qeyb ka mid ah dhaqaale malaayiin dolar gaaraya oo bankiga aduunku u qoondeeyey Mashruucan.
Wasiirka ayaa haatan isku dayaya inuu masuul isaga amaradiisa ku shaqeeyo u magacaabo mashruuca Somalia Education for Human Capital Development Project hase ahaatee Bankiga aduunka ayaa dalbanaya in magacaabida Masuulka cusub ka hor la keeno xisaab celin muujineysa halka uu ku baxay dhaqaalihii horey mashruucan loogu fasaxay taasoo Wasiir faarax uu ka caga jiidayo.
Musuqa iyo maamul-xumada uu Wasiir Faarax Cabduqaadir ku sameeyay mashaariicda Wasaaradda loogu tala galay ayaa waxa ay sababtay in malaayiin dollar oo ka mid ah lacagihii mashruucan la xanibo ka dib markii hufnaanta Maamulka laga shakiyey
Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday Agaasimihii Maaliyadda ee Wasaaradda, kaddib markii uu ka biyo diiday in lacago badan si aan sharci aheyn akoonkiisa ugu soo shubo, waxaana uu Wasiirka booskaasi keenay nin dhallinyaro ah oo uu doonayo in madaxiisa lacago badan ku leexsado si ay ugu sii socdo musuqa xargaha goostay ee uu wasaaradda ka wado.
Wasiir Faarax oo ah Wasiir awood badan ku dhax leh kooxda Damuljadiid ayaa waxaa adag in shaqada Wasaaradda iyo musuqa ka jira uu soo faragaliyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka baqaya awoodda Faarax ku leeyahay Villa Soomaaliya.