Turkey iyo Soomaaliya ayas kala saxiixanaya heshiis ciidanka Turkey u ogaalanaya in ay ka barbar dagaalamaan ciidanka Soomaaliya.
Sidoo kale heshiiska ayaa dhigaya inay fuliyaan howlgalada gaarka ah. Heshiiska ayaa Soomaaliya u ogolaanaya in ciidanku helaan qalabka milatariga Turkey sida gaadiidka dagaalka oo ku jiraan diyaaradaha.
Kulanka u dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa goor dhow ka billowday xarunta madaxtooyadda Turkiga
Kulanka waxaa dhinaca Turkiga ka qeybgalaya; Wasiirka difaaca Turkiga, Yasar Guler iyo taliyaha hay’adda sirdoonka Turkiga, İbrahim Kalın, halka dhinaca Soomaaliya sawirrada la soo bandhigay laga arkay wasiirkii dhawaan laga wareejiyay Wasaaradda difaaca ee Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo aan wali xilka wareejin, balse lagama arag kulanka saraakiisha ku lugta leh howlgalka socda ee la-dagaallanka Al shabaab.
Warbaahinta Turkiga ay ku sheegtay kulankan in lagu soo bandhigayo isbeddel cusub oo ku yimid xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, xilli la filayo inuu Turkiga si toos ah ugu lug yeesho dagaalka ka dhanka ah AS iyo gaarista xasillooni waarta ee Soomaaliya.
Waxyaabaha miiska saaran waxaa ka mid ah in tababarka ciidanka Soomaaliya guud ahaan la hoos geeyo dowladda Turkey lana joojiyo ciidanka loo qaado wadamo kale duwan.
Sidoo kale waxaa laga wada hadli doonaa damaanad qaad hadii la dareemo qatar amni in ciidan Turkey ku biiraan dagaalka sidoo kale Ankara ay fadhiyada caalamiga ah ku difaacdo Soomaaliya.
Dhawaan gudoomiyaha AU da ayaa sheegay in dalal badan ka cagajiidayaan taageerada howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya.